Sama-filidu
waa astaanta qof kasta ee guulaystey, wexey beertaa yididiilada wexeyna
dhidiba u aastaa kalsoonida nafta, waana xididada dhiirashada howlaha
iyo shaqada, dhammaan astaamahani waa kuwa aan noloshu ka maarmin si
guul loo xaqiijiyo. Sidoo kale wanaag filashadu wexey muraayad wanaagsan
u tahay aragtiayaha suuban ee nolsoha. Qofka samaha fishaayi wuxuu
arkaa yididiilo fiican wuxuuna si wanaagsan u sawiraa mustaqbalka.
Maanta
waxaan baahi badan u qabnaa inaan dhallinteena ku korino sama-filidda
si ay ugu fududeeso ka gudubka xaaladaha taagan una suurta geliso helida
awood dheeriya iyo ka mira dhalinta aayihooda iyo kan wadankaba.
Sama-filidu
waa iney ku qotontaa hadba xaaladaha taagan lana socota xiliga iyo
waayaha, sidoo kale waa iney salka ku hayaa cabsida alle iyo rumaynta
qadarta. Xadiis nebigeena (NNK) ka sugnaaday ayaa ahaa " Wanaaga fisha
waad heleysaane".
Hadaba si wanaag filiddu xeebta guusha kuu
geyso waa inaad ku lamaanisaa hawl iyo wax qabad aan kala go' lahayn.
Hadiise uu yahay keliya riyo iyo rajo keliya waxaa hubaal ah inaan
natiijada la mahadin doonin.
Si kastoo shar u jiro khayr ayaa
daba yaal, dhibaata kastana xal baa daba yaal, guul daro kastana guul
ayaa daba taal. Si kastoo culays u jirona fiyoore yididiilo ayaa jira.
Sidee noloshaada ugu beerey sama-filidda:
1.
Inaad ku celceliso weero iyo ereyo raja wanaag ah iyo in naftaadu wax
qaban kadho.(Waan awoodaa..Wey hagaagey..Waan qaban karaa).
2.
Inaad khibradaada iyo waaya aragnimadaada u kaashato howl kasta ee
mugdi iyo daah kaa saaran yahay guul daradana aadan dhaqso u filan.
3. Yey ku niyad jebin duruufaha kugu xaydaaman ee isku day sidii aan fursado ugu bedeli lahayd.
4.
Ka dheerow ku celcelinta ereyadda niyad jabka iyo quusta dhaliya sida:
ma awoodo, dulqaadkii iga dhamaaday, xaalkaygu ma fiicna, nolosha kuma
faraxsani.
5. Qor oo liis garee guulahaaga si aad isha u mariso marka aad murugay santahay ama niyad jabsantahay.
6.
Horaa loo yiri " Sidaad u fekerto ayaad tahay" ee isku day inaad caqli
iyo aragti furaan u adeegsato ka Mira dhalinta hiigsigaaga.
Abdiaziz Bandiirad